Duqa Muqdisho oo ka laabtay Xil ka qaadis uu ku sameeyay Gudoomiye Degmo! (Maxaa u Sabab ah)

Read Time:1 Minute, 5 Second

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa ka laabtay xil ka qaadis uu horaantii bishii November ee sanadkan ku sameeyay Gudoomiyihii degmada Howl Wadaag Cabdikariin Cali Kaar.

Digreeto kasoo baxday Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xilkii looga qaaday Gudoomiyihii degmada Howlwadaag Cabdikariin Cali Kaar, waxaana Yariisow Gudoomiyaha Degmada Howlwadaag u magacaabay Mahad Cabdi Caraale.

Xil ka qaadista uu Gudoomiyaha gobolka ku sameeyay Mr Cali Kaar ayaa la sheegay in uu muran ka dhashay, waxaana dacwo arintan la xariirta loo gudbiyay Ra’isul Wasaare  Kheyre oo ku amray Eng Yariisow in uu ka laabto xil ka qaadista iyo magaabista uu sameeyay.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa la sheegay in markii dambe uu ka laabtay xil ka qaadistii uu ku ameeyay gudoomiyaha degmada Howlwadaag, waxa uuna Yariisow faray in gudoomiyihii Degmada Cabdikariin Cali Kaar uu shaqadiisa sii wato.

Magacaabista iyo xil ka qaadista uu sameeyay Duqa Muqdiho ayaa la sheegay in uu ku qancinayay Xildhibaano saaxiib dhaw la, ah, hasa ahaatee arintan ayaa fashil ku timid kadib markii uu soo faro galiyay Ra’isul Wasaare Kheyre.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa tan iyo markii xilka la wareegay xil ka qaadis ku sameeyay qaar kamid ah Gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana wali aan xilka laga qaadin Gudoomiyaal dhowr ah oo lasoo shaqeeyay Duqii Hore Taabit

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %