Duqa Muqdisho oo ka hadlay banaanbaxa ka socda Muqdisho

Read Time:42 Second

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa goordhow ka hadlay banaanbaxyo rabshada wata oo ka socda Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Banaanbaxyadan ayaa yimid kadib markii Askar ka mid ah Ciidanka Booliska uu toogasho ku dilay mid ka mid ahaa wadayeesha Bajaaja iyo Ruux u saarnaa Mootada.

Falka toogashada ayaa waxuu ka dhacay Isgooyska Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho Eng. Yariisoow ayaa ugu baaqay dhalinyaradda Banaabaxyadda ka bilowday Muqdisho in ay Xaaladda dejiyaan, islamarkaana ay go’an tahay maamulka gobolka Banaadir wax ka qabashada dhibaatadda taagan.

Eng Yariisow ayaa Cambaareyay falkii Saaka Askari ka tirsan Ciidanka Dowlada uu ku dilay wiil Mooto Bajaajle ah iyo qof Shacab ah oo la saarnaa.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka Booliska ay go’an tahay in ay soo qabtaan ninkii falkaasi ka dambeeyay, islamarkaana inta ka horreysa loo baahan yahay in Xaaladda la dejiyo.

 

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.