Mareeg Media
Somalia

Duqa Muqdisho oo faah faahiyey qarixii ka dhacay Muqdisho

Gudomiya gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Max’uud Max’ed (Cumar Filish) ayaa faah faahin ka bixiyay qarax saakay ka dhacay Bar kontorol oo ku taal isgoyska ex –kontarool  afgooye.

Gudoomiyaha Gobolka oo ay wehliyaan ku-xigeennadiisa iyo laamaha ammaanka oo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in qaraxa uu ahaa gaari kuwa xamuulka qaada,kaasi oo gaystay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Gudomiyaha ayaa tilmaamay in dadka dhintay ay u badnayeen arday wax ka barata jaamacadda  Banaadir  halkaa ku dhinteen, wuxuuna ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qaraxaasi, dhanka kalena wuxuuna u mahad caliyay ciidamada amniga oo uu sheegay in ay ka hortageen  gaarigaasi oo rabay in uu u soo gudbo gudaha magalada muqdisho

Md. Cumar Filish waxa a uu intaasi raaciyay in hadda uu socdo gurmadka dadka loo samaynayo dibna ay ka soo sheegi doonaan inta ay gaarsiisan tahay dhibaatada halkaasi ka dhacday.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!