Duqa Degmada Garoowe oo Puntland lagu doortay
Waxaa goordhow doorasho ka dhacday Magaalada Garoowe ee Caasimadda dowlad goboleedka Puntland lagu doortay Duqa degmada Garoowe.
Doorshada oo aheyd mid ay ku tartameen labo musharax,waxaana ku guuleystay oo ku soo baxay Axmed Siciid Muuse,kaasi oo noqonaya Duqa Degmada Garoowe.
Axmed Siciid Muuse (Axmed barre) ayaa waxa uu helay codad gaaraya ilaa iyo 18 Cod,halka Axmed Abshir Jaamac (Bakuuke) oo la tartamay uu isna helay 9 Cod .
Dhinaca kale waxaa la filaa in goordhow ay bilaaban doonto doorshada guddoomiye ku xigeenka Duqa Degmada Garoowe.
Comments are closed.