Duqa cusub ee Baladweyne oo la wareegtay Xafiiska

Read Time:41 Second

Magalada Baladweyne oo ah Xarunta gobolka Hiiraan waxaa Maanta lagu qabtay Munaasabad ay xilalka ku kala wareegayeen duqa Cusub ee degmada Baladweyne ee shalay la Magacaabay iyo duqii hore ee degmadaas.

Munaabad ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka Hir-Shabelele Maxamed Cali Caadle, Xubno ka tirsan Labada Gole , mas’uuliyiinta Heer Gobol iyo Heer degmo iyo qeybaha kale duwan ee Bulshada.

Khadar Xasan Afrax duqii hore ee Magaalada Beledweyne ayaa xilka ku wareejiyay Safiya Xasan Sheekh Cali Jimcaale oo noqoneysa duqa cusub ee Magalada  Beledweyne,waana haweeneydii ugu horeysay oo noqota duqa Magaalada Baladweyne.

Duqa cusub ee Magalada Baladweyne Safiya Xasan Sheekh Cali Jimcaale ayaa mar soo noqotay Guddoomiyaha degmada Shibis ee Gobolkan Banaadir,balse xilka laga qaaday taas oo keentay in loo Magacaabo duqa cusub ee Magalada  Beledweyne.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %