Muqdisho, November 9, 2013: Dublamaasi la dhashay wasiirad Alshabaab qarax ku dileen oo ka tirsaneyd dowladdii KMG aheyd ee uu hogaamin jiray Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo Alshabaab la beegsadeen hoteelka Maka Almukarrama ee magaalada Muqdisho.
Dublamaasigaas xalay ka mid noqday dadkii ku dhintay weerarkii simidaaminta ahaa ee lala beegsaday Hotel Maka Al-mukarrama ayaa lagu magacaabi jiray Cabdulkadir Aaden Cali “Dhuub”, wuxuuna la dhashay wasiiradii hore ee Haweenka Qamar Aaden Cali oo ku geeriyootay Ismiidaamin dhamaadka 2009 Alshabaab ka sameeyeen Hotel Shamo ee magaalada Muqdisho.
Marxuumka walaashiis Qamar, 3 wasiir oo kale iyo labaatameeyo arday ka qalin jibisay Jaamacadda Banaadir, dhaqaatiir, waalidiin iyo marti sharaf ayaa ku dhintay qarax nin ismiidamiyey uu geystay sanadkii 2009.
Marxuum Cabdulkadir Aaden Cali “Dhuub” waxa uu ku soo biiray howlaha diblomaasiyadda dabayaaqadii sanadkii 2009, isagoo loo magacaabay Xiriiriye diblomaasiyadeed (Liaison Officer- LNO-), waxaana uu u xilsaarnaa xiriirinta dowladda Soomaaliya iyo UK, kahor inta aaney labada dowladood saxiixan Xiriir laba geesood ah.
Qaraxa xalay ka dhacay hotelka Maka Al-mukarrama waxaa dadka ku dhaawacmay ka mid ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Mareeg.com