Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo ku geeriyooday Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare oo ku geeriyooday Muqdisho

Mareeg.com: Waxaa saaka Isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee Khabiirkii Af-soomaaliga Dr. Xuseen Sheekh Axmed “Kadare” oo ka mid ahaa hal abuuradii ugu waa weynaa ee Soomaaliya, islamarkaana ka mid ah guddigii Far-soomaaliga.

Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kadare ayaa mudooyinkan uu xanuunsanaa ayaa saaka ku geeriyoday Isbitaalka Umadda oo ku yaalla degmada C/caziiz ee magaalada Muqdisho.

Dr. Kadare ayaa ahaa nin aad looga yaqaanay dhulalka Soomaaliyeed, waxaana uu lahaa taariikh lama ilaabaan ah, waxaa ka mid ahaa Gudigii qoray af Soomaaliya, waxaa uu ahaa nin suugaanyahan ahaa.

Waxaa uu bartay cilmiga afafka kala duwan, isagoo muddo dheer ka mid ahaa Akadeemiyada Fanka dhaqanka iyo Suugaanta.

Wuxuu ka mid ah Dr. Kadare dadkii soo hindisay faro kala duwan markii la qorayey Afka Soomaaliga sanadigii todobaatameeyadii, inkastoo fartii uu keenay aan la qaadan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!