Dr. Liibaan oo Madaxweynaha Soomaaliya adeer u yahay oo saaka lagu dilay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dr. Liibaan oo Madaxweynaha Soomaaliya adeer u yahay oo saaka lagu dilay Muqdisho

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay saaka ku dileen degmada Wadajir Wiil uu adeer u yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida ay sheegayaan wararka dableyda hubeysan oo gaari wadatay ayaa rasaas ku furay gaari uu la socday Dr. Liibaan Cusmaan Cilmi oo aabihii oo dhowaan ku geeriyooday magaalada Nairobi ay isku hooyo ahaayeen madaxweyne Xasan Sheekh.

Dr. Liibaan ayaa la sheegay inuu ka howl galayay Isbitaal ay leeyihiin Imaaraadka Carabta oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaa ku daraya Dr Liibaan uu ku soo waxbartay mid ka mid ah dalalka Geeska Afrika.

Ma jirto illaa iyo hada cid sheegatay dilkan, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Hey’adaha ammaanka dowladda.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!