DR Baadiyow: ” Dilal Siyaasadeysan ayaa nalala damacsan yahay”.

Read Time:49 Second

Muqdisho ( Mareeg)-Dr Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyow oo ka mid ah Musharrixiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay walaac ka qabaan in dilal siyaasadeysan lagula kaco hadii ay yihiin Musharrixiinta Soomaaliyeed.

Musharraxaan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu tilmaamay in uu socdo abaabul qorsheysan oo lagu doonayo in lagu qaarijiyo Musharrixiinta u taagan qabashada Xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya iyo Odayaal dhaqameedyada sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Dr Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyow ayaa waxa uu Nasiib darro ku tilmaamay in Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu sii joogo Villa Soomaaliya oo ah aqalka looga arrimiyo dalka.

Waxaana uu ugu baaqay in Xasan Sheekh uu isaga guuro Madaxtooyada Soomaaliya lana mid noqdo Musharrixiinta kale ee Soomaaliyeed.

“ haddii uu sii joogo Madaxtooyada waxa uu noqonayaa shaqsi xoogiisa ku joogo aqalka dalka looga arrimiyo” ayuu yiri Baadiyow.

Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh ee waqtiga ka dhamaaday ayaa lagu eedeeyaa in ay ku caan baxday ku tagri fal awoodda dowladda ah.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %