Dowlado kasoo horjeeda xasiloonida Somalia oo war kasoo saaray Ismiidaamintii ka dhacday Muqdisho — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowlado kasoo horjeeda xasiloonida Somalia oo war kasoo saaray Ismiidaamintii ka dhacday Muqdisho

Muqdisho (Mareeg News ) Qoraalo kasoo kala baxay Wasaaradaha Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, ayaa waxaa looga hadlay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay galab ka dhacay afafka hore Hoteel Wehliye ee magaalada Muqdisho.

Qoraalada kasoo kala baxay Wasaaradaha labada dal ayaa waxaa lagu cambaareeyay qaraxii ka dhacay Hoteel Wehliye oo ku yaalla inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Sayidka.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in Qaraxa uu ahaa mid aafeeyay dad shacab ah, waxaana lagu dalbaday in gacan lagu soo dhigo dadka ka danbeeyay Gaariga Qarxay.

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu kaxeynayay dhagarqabe ka tirsanaa al-Shabaab ayaa beegsaday goob ay ku shaaheynayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan, halkaasi oo uu ku dilay dad ku dhow 20 qof, halka tiro intaas ka badana uu ku dhaawacay.

Sidoo kale, qoraalka ayaa waaxaa tacsi loogu diray dhammaan ehelada dadkii ku naf waayay qaraxaasi, waxayna Sacuudiga iyo Imaaraadka sheegen inuu xoojinayo taageerada Dowladda Soomaaliya, gacana uu ka geysanayo dagaalka lagula jiro ururka Al-shabaab.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!