Dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga oo kulan ka yeeshay wadashaqaynta iyo xoojinta xiriirka Laamaha Warfaafinta ee heer Madaxtooyo

Read Time:55 Second

Dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga oo kulan ka yeeshay wadashaqaynta iyo xoojinta xiriirka Laamaha Warfaafinta heer Madaxtooyo.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa Xarunta Guud ee Warfaafinta Madaxtooyada Dalka Turkiga ee Ankara waxa uu kulan kula qaatay dhiggiisa Warfaafinta Dalka aan Walaalaha nahay ee Turkiga Fahrettin Altun.

Labada Agaasime ayaa ka wada hadlay wadashaqaynta iyo xoojinta xiriirka Laamaha Warfaafinta heer Madaxtooyo ee labada dal, tayaynta iyo horumarinta wacyiga weriyeyaasha ee xilliga doorasha, iyaga oo isla meel dhigay qorsheyaal kor loogu qaadayo cilaaqaadka ku dhisan walaalnimada ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Agaasime Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa la wadaagay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Turkiga muuqaallo Dokumenteri ah oo uu diyaariyey Xafiiska Warfaafinta ee Villa Somalia, kuna tarjuman afka Turkiga, oo ku saabsan toban sano guurada dib-u-curashada xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga. muuqaalka filimkan ayaa la qorshaynayaa in lagu baahiyo warbaahinta dalka Turkiga.

Agaasimaha Warfaafinta iyo xiriirka Warbaahinta ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa magaalada Istanbuul kaga qayb galay Shirweynaha Istaraatiijiyadda Warbaahinta, isaga oo ku bogaadiyey Mudane Fahrettin Altun doorka hoggaamineed ee uu qaatay.

Muqdisho-Somalia

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %