Dowladda Turkiga oo war kasoo saartay Weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen Xarunta Degmada Hodan

Read Time:47 Second

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Dowladda Turkiga ayaa waxa ay ku cambaareysay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu qaaday  xarunta Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Waxaa lagu sheegay bayaanka in Dowladda Turkiga ay aad uga xun tahay falkaas oo sababay dhimasho iyo dhaawacyo oo soo gaaray dad aan waxba galabsan iyo masaajid ku yaallay Xarunta Degmada .

Sidoo kale bayaankaasi ka soo baxay Dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay in falka noocan ah uu waxyeelaynayo sugnaashaha nabadgelyada ee Soomaaliya,waxayna Tacsi u dirtay Xukuumadda  iyo shacabka Soomaaliyeed, waxayna ilaah ugu barisay dadkii shilkaasi ku dhaawacmay caafimaad ded deg ag.

Weerar ismiidaamin ah ayaa waxa shalay lagu qaaday Xarunta Degmada Hoden ee Gobolka Banaadir,kaasi oo waxyeelo ay ka soo gaaray dad isugu jiray Askar iyo Shacab oo xiliga uu qaraxa dhacayay ka agdhawaa goobta,waxaa sidoo kale goobtaasi ku bur buray masaajid ku yaalla Xarunta Degmada Hoden,waxaana weerarkaas mas’uuliyadiisa sheegtay Ururka Al Shabaab.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %