Dowladda Turkiga oo Hal Sanno Ku Kordhisay Howlgalka La Dagaalanka Bucad Badeeda * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowladda Turkiga oo Hal Sanno Ku Kordhisay Howlgalka La Dagaalanka Bucad Badeeda

Baarlamaanka Dalka Turkiga ayaa ogolaaday in Dowladda Turkiga ay Hal Sanno ku kordhiso ka qeybgalka Howlgalka ka dhan ah Burcad Badeeda Soomaalida ee gacanka Cadan,kadib markii mooshin laga geeyay Arintasi.

Sanadkii 2009Kii ayay Baarlamaanka Turkiga u ogolaadeen Masuuliyiinta Dowldasi iney u diraan unugyo ka tirsan Ciidamadda Badda Turkiga Gacanka Cadan iyo biyaha ku dhaw dhaw si ay u caawiyaan Howlgalka ka dhan ah Burcad badeeda oo ay Wadaan gaashan buurta NATO,marka la eego Go’aan 2008dii uu qaatay Golaha Ammaanka ee Qaramadda Midoobay.

Howlgalka ayaa Dhowr jeer hore la kordhiyay,Waxa ayna ka difaacaan Ciidamadda Badda ee Dowladda Turkiga Maraakiibta Ganacsiga Ee mara Gacanka Cadan iyo biyaha ka baxsan Xeebaha Soomaaliya,Kooxaha Burcad Badeeda oo qafaasha Maraakiibta Ganacsiga.

Xildhibaan Axmed Berat Konkar oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Turkiga Ayaa sheegay iney Ciidamadda Badda Turkiga ay meesha kaga saareen 26 howlgal tan iyo 2009kii 179 ka tirsanaa Bucad Badeeda iyo Qorshayaal ay damacsanayeen iney Gobolka Uga Afduubtaan Maraakiibta Ganacsiga.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!