Dowladda Turkiga oo garsoorka ka taageereysa dowladda Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowladda Turkiga oo garsoorka ka taageereysa dowladda Soomaaliya

Mareeg.com: Dowladda Turkiga ayaa arrimaha garoorka ka taageereysa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, sida laga sheegay kulan magaalada Ankara ku dhexmaray mas’uuliyiin ka kala socday labada dal.

Wafdi uu hogaaminayo Sii-hayaha Wasiirka  Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Faarax sheekh Cabdiqaadir oo uu ka mid ah Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir oo booqasha ku jooga dalka Turkiga ayaa arrimaha horumarinta garsoorka ka hadlay Wasiirka Cadaaladda Turkiya, Bekir Bozdag.

Faarax iyo Baker

Booqashadan oo qaadanaysa afar maalmood waxay labada dhinac kawada hadlayaan xiriirka labada wasaaradood iyo in Wasaaradda Cadaaladda Turkigu ay ka qayb qaadato dhismaha laamaha Garsoorka Soomaaliya.

Wuxuu wafdigu booqan doonaa laamaha kala duwan ee Garsoorka dalka Turkiya sida Golaha Garsoorka, maxkamadaha, Xeer ilaalinta, kuliyada wasaaradda cadaaladda, iyo kuwa kale.

Garsoorka Soomaaliya ayaa lagu tilmaamaa mid aad u liita oo musuq hareeyey, waxaana dowladdu mar kasta sheegtaa iney dib u habeyn ku sameyn doonto.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!