Dowladda Soomaaliya oo u dacwooneysa Facebook

Muqdisho – Mareeg.com: Wasaaradda Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa aad uga carootay shakhsiyaad ama kooxo sameystay baro Facebook ama Website-yo sheeganaya iney yihiin dowladda Soomaaliya ama wasaaradaheeda.

“Wasaaradda Warfaafinata Soomaaliya waxey aad uga xuntahay in shaqsiyaad ay sameystaan website-yo ay ku sheeganayaan inay yihiin kuwii dowladda ama wasaaradaha dowaldda. sidoo kale shaqsiyaadkan waxey caadeysteen inay sameystaan facebook ama twitter ay isaga dhigayaan inay yihiin kuwo ay dowladda ama wasaaradaha leeyihiin” ayaa lagu yiri war manta kazoo baxay xafiiska wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

“Waxaan sida ugu adag uga digeynaa in falal danbiyeedka noocan oo kale ah la sameeyo. Dowladduna waxey ku dadaaleysaa inay tallaabo adag ka qaadi doonto shaqsiyadaaskaas ama kooxahaas. Sharuuc caalami ah baa ka jira ku xadgudubka shaqsiga ama hay’adaha siiba kuwa isticmaalka websiteyada ama facebook-yada ama twitter-yada” ayey sidoo kale tiri wasaaradda warfaafintu.

Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in website-yada iyo barta Facebook ee hoos ku qoran aysan dowladda Soomaaliya wax shaqo ah ku laheyn.
“Waxaan si gaar ah uga digeynaa websiteyadan hoose oo aan aheyn kuwo ay dowladdu leedahay, wararka la soo geliyana ma noqon karaan kuwo lagu kalsoonaado ee ha la iska jiro. www.somligov.net, www.moi.somaligov.net, www.somaligovernment.org, iyo kuwo la mid ah” ayay tiri wasaaraddu.

“Sidoo kale facebook-kan isticmaala magaca Somali Ministry of Information, Posts, Telecommunications & Transportation, https://www.facebook.com/SomaliMinistryofInformation?fref=ts Ma aha mid ay Wasaarada Warfaafintu leedahay oo sax ma aha oo waxuu soo qoray war-saxaafadeed English ku qoran oo aan run aheyn oo uu madaxda qaranka ka been abuuray” sidaa waxaa sheegtay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

War-saxaafadeedka wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya la xiriiri doonto barta arrimaha bulshada ee Facebook iyo hay’adaha amaanka ee caalamka, si wax looga qabto dad ku xadgudbaya dowladda iyo madaxdeeda.

“Falkan waa fal danbi oo dowladdu ay la xiriiri doonto facebook iyo hay’adaha amniga ee caalamka” ayay sidoo kale tiri wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.
Tan iyo markii uu baahay isticmaalka Internet-ka ayaa waxaa batay sameynta website-yo iyo baro bulsho sida Facebook iyo Twitter, kuwaasoo ku qora wixii ay doonayaan.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245