Mareeg.com: Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay in Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxeysa degmooyinka Buulabarde iyo Jalalaqsi ciidamadu ay ka qabteen gaadiid ay leeyihiin Xarakada Al-shabaab.
Duqa degmada Buulabarde Cabdi Casiis Duur ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay qabteen gaadiid iskugu jira 2 gaari oo basaska yaryar ah, Labo doon iyo Labo Mooto oo ay Al-shabaab la haayeen.
“Deegaan 30 KM u jira Buulobarde ayaa ciidamada Soomaaliya iyo AMISOM gaareen, waxeyna halkaas kasoo qabteen labo bas, labo muuto iyo labo doonyood oo ay Alshabaab bari iyo galbeedka webiga uga gudbi jireen” ayuu yiri C/casiis Duur.
Mas’uulkaan ayaa sheegay in raggii Alshabaab ee gaadiidkaas watay ay baxsadeen balse qalabkaas ay la wareegeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Ma jiro war kasoo baxay Alshabaab oo ku saabsan gaadiidka dowladda Soomaaliya sheegtay iney kala wareegtay.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.