Dowladda Soomaaliya oo sheegtay iney Muqdisho ku dishay sarkaal Shabaab ah
Mareeg.com: Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay iney shalay galab toogasho ku dishay sarkaal ka tirsan Alshabaab, kaasoo ku sugnaa xaafad ku dhow Isbitaalka SOS ee magaalada Muqdisho.
Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa laga baahiyey in ninka la dilay lagu magacaabi jiray Nuur Baraxow, kaasoo markii ciidamada Nabad Sugiddu gurigiisa weerareen is difaacay, balse halkaas lagu dilay, sida laga sii daayey Radio Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ninkaasi ka tirsanaan Laamaha Wardoonka Alshabaab ee loo yaqaano Aminyaadka.
Ma jiro war kazoo baxay Alshabaab oo ka hadlay ninkaas dowladda Soomaaliya sheegtay iney dhalay ku toogatay meel ku dhow xaafadda SOS ee magaalada Mqudisho.
Mareeg Media
Comments are closed.