Dowladda Soomaaliya oo sheegtay iney dishay sarkaal Shabaab ah oo horay wadaad u gowracay

Read Time:57 Second

Mareeg.com: Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ku sudagn gobolka Bakool ay toogteen sarkaal ka tirsan Alshabaab, kaasoo loo heystay gowraca wadaad caan ahaa oo sanadkii 2013 ururkaasi ku gawraceen magalaada Xudur.

Ciidanka xoogga dalka ayaa saakay howlgallo ay ka sameeyen deegaanka Biyooleey ee dhanka Koonfur kaga beegan degmada Tiyeegloow ee gobolka Bakool ayaa ku guuleystay inay halkaasi ku dilaan ninkaas oo magaciisa lagu sheegay Wardheere Xuseen Maxamed, sida lagu baahiyey warbaahinta rasmiga ee dowladda Soomaaliya.

Cabdulaahi Maxamed Yarrow oo ah sargaalka ciidamada hogaaminaya ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ninkaas ay dileen lagu magacaabi jiray Wardheere Xuseen Maxamed, kaasi oo ka dambeeyay sida uu yiri dil bishi Maarso ee sanadkii 2013-ka degmada Xudur loogu geystay wadaad caan ah oo la oran jiray Sheekh Cabdiraxmaan Warsame.

Ciidamada ayaa baaritaanno dheeri ah ku haya rag kale oo ay gacanta ku soo dhigeen inta uu socday howlgalka, sida warka dowladda lagu sheegay.

Sanadkii 2013 ayaa mar ciidamada Itoobiya galeen degmada Xudur, kaqdibna ka baxeen ayaa markii ay halkaas faarujiyeen waxaa Alshabaab gowraceen wadaad waayeel ahaa oo la oran jiray Sheekh Cabdiraxmaan Warsame, iyagoo ku eedeeyey inuu taageeraya ciidamada Itoobiya.

Mareeg Media

 

.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.