Dowladda Soomaaliya Oo Sheegtay In La Qaaday Isbaarooyin Yaallay Shabeellaha Hoose

Muqdisho, Mareeg.com: Wafdigii ay dowladda Soomaaliya u dirtay joojinta colaad beeleed dhawaan ka dhacday gobolka Shabeellha Hoose ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho, waxeyna ka warbixiyeen waxyaabihii usuuragalay.

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo warbaaahinta la hadlay ayaa sheegay in safarkii ay ku tageen Shabellaha Hoose uu kusoo dhamaaday guul.

“Safarkeennii guul ayuu kusoo dhammaaday, waxaan ku guuleysannay in aan kala qaadno ciidammadii dagaalamay, goobihii lagu dagaalamayna aan geyno ciidammo isugu jira AMISOM iyo dowladda Soomaaliya si ay amniga u sugaan,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay inay qaadeen isbaarooyin dhowr ah oo yaallay gobolka Shabeellada Hoose, isagoo ku goodiyay inay dagaal la geli doonaan cid walba oo isku dayda inay isbaarada dib ugu soo celiso gobolkaas.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Fiqi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay mar walba ka go’an tahay inay gacanta ku dhigto cid walba oo ammaanka dalka wax u dhinta.

Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Finish) oo wafdiga ka mid ahaa ayaa isaguna hoosta ka xariiqay inay ku guuleysteen inay kala qaadaan gabi ahaan ciidamadii is-horfadhiyay, xaaladda gobolkana ay tahay mid aad iyo aad u wanaagsan.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose, C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) oo isna ka hadlay dhexdhexaadinta dhinacyadii ku dagaalamay gobolkaas ayaa sheegay in lagu guuleystay in la kala qaado, isagoo ammaanay guddigii ay dowladdu u dirtay gobolka Shabeellada Hoose.

Wafdiga ayaa xusay in intii ay ku sugnaayeen gobolka Shabeellada Hoose ay soo booqdeen guryo, goobo ganacsi iyo makiinado ay dad rayid ah lahaayeen oo dab la qabadsiiyay intii uu dagaalku socday.

Wafdigaan ayaa dhawaan gaaray gobolka Shabeellaha Hoose si ay wax uga qabtaan dhibaato ka dhalatay colaad beeleed dad door ah ku dhinteen.

Mareeg.com