Dowladda Soomaaliya oo sharci darro heshiiskii Dekeda Berbera (War saxaafadeed)

Read Time:42 Second

 Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ay kaga hadleyso heshiiskii Dekeda Berbera ee ay wada galeen shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta, Somaliland iyo dowladda Itoobiya.

Shirkadda DP World ayaa shalay ku dhawaaqday in heshiiska Dekeda Berbera saami dhan 19% ay ku yeelaneyso dowladda Itoobiya, halka Somaliland ay yeelaneyso 30%, iyadoo DP World oo ah shirkada dhiseysa Dekeda ay qaadaneysa 51%.

Bayaanka ay soo saartay wasaaradda ayaa hoosta looga xariiqay in heshiiskan uu yahay mid lagu wiiqayo midnimada iyo wadajirka Umadda Soomaaliyeed.

Wasaaradda ayaa sheegtay in heshiiskan uu yahay mid waxba kama jiraan ah oo aan loo marin waddo sharci ah oo aan waafaqsnaeyn Dastuurka KMG.

Bayaanka ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka aanay qeyb ka aheyn, cidna wakiil uga aheyn heshiiskaas in lala saxiixdo DP World

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %