Dowladda Soomaaliya oo shaacisay tirada saraakiisha loo xiray fududeynta qaraxii Hotel SYL

Mareeg.com: Dowladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay in ilaa 11 sarkaal loo xiray qaraxii bishii Janaayo ka dhacay hotel SYL oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya, xilli ay halkaas ku sugnaayeen wafdi ballaaran oo Turki ah oo gogolxaar u ahaa booqashada madaxweynaha Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan.

Ku Xigeenka Xeer Ilaayaha Qaranka ee Soomaaliya, Dr Axmed Cali Abuukar oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, kana mid ahaa gudiga loo xilsaaray baaritaanka arintan ayaa  sheegay in 11 ruux oo lagu eedeyay in ay falkaasi ka dambeeyeen xabsiga dhexe loo gudbiyay isla markaana baaritaano lagu sameyn doono.

Ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha qaranka ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xarunta ciidanka boliiska Soomaaliyeed uu ku sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan Maxkamad loo soo taagi doono shakhsiyaadkii lagu helo in ay fududeeyeen qaraxiika dhacay Hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho.

“Dadka la qabtay waxaa ku jira saraakiil, waxaan aaminsanahay in aan kiisaska arintan aad dedejinay maadaama arintan ay aheyd mid culeyskeeda leh waxaana loo gudbinayaa Maxkamadda ku shaqada leh” ayuu yiri Dr Axmed.

Axmed Cali ayaa sidoo kale sheegay in dadka hadda la qabqabtay ay yihiin oo kali ah tuhunsanayaal isla markaana ay kala saari doonoto Maxkamad.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in guddi ay u saartay oo baaritaano ku sameynaayo qaraxii 22-ka bishii Janaayo ee sanadkan.

Dadka falkaan loo xiray ayaa u badan saraakiil ka kala tirasan booliska iyo nabadsugidda Soomaaliya, kuwaasoo loo heysto iney fududeeyeen qarax uu hotelka lala beegsaday oo uu fuliyey nin naftiis hure ah.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245