Mareeg.com: Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya ayaa war ay soo saartay ku dheegtay inay gacanta ku heyso Liibaan Maxamed Xaaji, oo ah muwaadin Somaliyeed, balse heysta dhalashada dalka Mareykanka oo ay si weyn oo raadinaysay FBI-da USA.
Ninkaan oo 29 sano jir ah, ayaa waxaa gacanta ku dhigay Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Soomaaliya, xilli uu ku soo wajahnaa Magaalada Muqdisho, kana yimid Jubooyinka.
Warbixin ay soo saartay Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka, ayaa waxay ku xaqiijisay in ninkaasi ay gacanta ku heyso. Warbixinta waxaa lagu sheegay in Liibaan Maxamed Xaaji uu ka soo tagey dalka Mareykanka, isla-markaana uu muddo kooban la joogay Ururka Al Shabaab ee ka arrimiya Gobolada Jubbooyinka.
Waxaa sidoo kale warka lagu sheegay in ninkaasi uu safar ku soo aaday Magaalada Muqdisho, laakiin ay wadada ka qabteen Ciidamada Nabad Suggida Soomaaliya.
Nabad Suggida, ayaan kala cadayn waxa ninkaasi laga yeeli doono. Sidoo kalana lama garanayo in la soo taaggi doono Maxkamad ku taala Magaalada Muqdisho iyo in Mareykanka lagu celin doono.
FBI-da, ayaa ninkaasi ku doon dooneysay lacag dhan 50 kun oo dollarka Mareykanka ah, cidii xoggo sax ah ka keenta halka uu ku sugan yahay.