Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Marxuum Tubeec lagu aasayo Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in Marxuum Tubeec lagu aasayo Muqdisho

Muqdisho – Mareeg.com: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney go’aamisay in magaalada Muqdiso lagu aaso fanaakii Marxmuum Maxamed Suleymaan Tubeec oo shalay ku geeriyooday dalka Jarmalka.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Soomaaliya dusha u ridatay qarashka meydka Tubeec looga soo qaadayo dalka Jarmalka, wuxuuna xusay in arrintaas ay ku wargeliyeen qoyskiisa.

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cabdullaahi Colaad Rooble oo maanta kulan la qaatay fanaaniinta hobolalda Waaberi ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay qorsheyneyso sidii Marxuum Maxamed Suleymaan Tubeec loogu aasi lahaa Muqdisho.

Mostaf Dhuxulow ayaa sheegay in xukuumaddu la la xiriirtay qoyska Marxuumka, islamarkaana gadaal kazoo sheegi doonaan goorta la aasayo.

Fanaanka Maxamed Saleymaan Tubeec oo loo yaqaanay boqorka codka Soomaaliya ayaa shalay oo salaaso aheyd ku geeriyooday dalka Jarmalka, kadib markii uu muddo xanuunsanayey, islamarkaana lagu sameeyey qaliin.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.