Dowladda Soomaaliya oo Radio gaar ah u sameysay ciidamada

Muqdisho – Mareeg.com: Raysulwasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa maanta daahfuray Radio ku hadla afka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, kaasoo maalmahaan si tijaabo ah hawada ugu jiray.

Arrintaan ayaa loo arkaa dedaal dowladdu ku xoojineyso dagaalka warbaahineed ee ay kula jirto Alshabaab, dhanka kalana ay ku dooneyso iney isku soo dhaweyso shacabka iyo ciidamada oo kalsooni badan ilaa haatan ka dhaxeyn, maadaama ay jiraan askar dhibaateeya shacabka.

Munaasabad xariga looga jarayay Idaacaddan oo loo bixiyey “Radio Muqdisho Codka Ciidamada Qalabka Sida” ayaa lagu qabtay wasaaradda warfaafinta waxaana R/wasaaraha kala qeybgalay Wasiirka Warfaafinta Mustaf Cali Dhuxulow, Wasiirka Gaashaandhigga ahna siihayaha Xilka Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jen. Daahir Indhaqarshe, Abaanduulaha ciidanka Cabdi Rasaaq Khaliif Cilmi iyo xubno kale.

Radio 2

Abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi ayaa tilmaamay in idaacaddu ay baahin doonto barnaamijyo ka turjumaya wax qabadka ciidanka, ayna ka shaqeyn doonto isu dhawaanshiyaha shacabka iyo ciidamada qalabka sida.

Taliyaha ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi (Indho-qarshe) oo munaasabadda ka hadlay ayaa Madaxda Wasaaradda Warfaafinta ku amaanay sida ay gacan ugu siiyeen howlgelinta Idaacadan, waxaana uu intaa ku daray in idaacadan la furo uusan macnuhu ahayn in Radio Muqdisho ay gabtay howlihii ay bulshada u hayeen, balse ay tani ay qeyb ka tahay xoojinta Idaacadda Qaranka.

Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo isna munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo howlgelinta Radio Muqdisho codka ciidanka qalabka sida.

“Sidaa aad ogtihiin Radio Muqdisho iyo SNTV waxa uu markasta baahiyaa guulaha ciidanka, anagoo ka diyaarino Barnaamijyo dhaxal gal ah, waxaan kaloo hadda idaacadan cusub ku taageeri doono wax walba oo ay nooga baahdaan” ayuu yiri Mustaf Dhuxulow.

Wasiirka Gaashaandhigga Ahna Siihayaha xilka Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta kaga mahadceliyay sida ay marwalbo u baahiso guulaha ay gaaraan ciidamada qalabka sida,

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo xariga ka jaray Radio Muqdisho codka ciidamada qalabka sida ayaa tilmaamay in la howlgeliyo Idaacadan ay qeyb ka tahay sidii looga shaqeyn lahaa isu soo dhaweynta shacabka iyo ciidamadooda qalabka sida, isagoo bulshada ugu baaqay in xilgaan lagu baahin yahay iney midowbaan.

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Agaasimaha Radio Muqdisho Codka Ciidamada qalabka sida, Cabdullaahi Iimaan oo mas’uuliyiinta warbixin ka siiyay qaabka ay u shaqeyneyso Idaacaddan.

Sidoo kale, waxaa hadlay agaasimaha Radio Muqdisho ahna ku-simaha Agaasimaha Warbaahinta dowladda, Cabdirixiin Ciise Caddow oo isna hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in maamulka idaacadan ay ku cawaaninayaan shaqaalo iyo macluumaadka ku keydsan keydka hadalka Radio Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa dagaal warbaahinteed oo xoog leh kula jirta Alshabaab, kuwaasoo la sheego iney aad ugu xeel dheeryihiin sida warbaahinta loogala hadlo shacabka.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245