Dowladda Soomaaliya oo qiratay inuusan hirgelin barnaamijkii Higsiga Cusub

Mareeg.com: Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in barnaamijkii Higsiga Cusub (New Deal) oo ku saabsanaan hannaanka dhaqaalaha lagu siinayo dalka Soomaaliya uusan u shaqeyn didii la rabay.

Warkaas waxaa shalay galab Golaha Wasiirada Soomaaliya uga dhawaaqeen shir ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa sheegay in barnaamijka New Deal uusan u hirgelin sidii la filayey, islamarkaan la doonayo in la dar-dar galiyo qorshaha arrintaasi ku wajahan.

Barnaamijka Hiigsiga Cusub ee (New Deal) ayaa Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, iskula go’aamiyeen shirkii magaalada Bruessels ee 16-kii September 2013.

Barnaamijka Higsiga Cusub ayaa hakaday kadib markii beesha caalamku dhaliishay waxqabadka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo caalamku ka gaabsaday inuu lacago siiyo xilli dhibaato weli ka taagantahay hanaanka maamulka dhaqaalaha Soomaaliya.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245