Muqdisho, Mareeg.com: Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay inay dowladdu oday dhaqaameedyo iyo ciidammo u direyso gobollada beeluhu ku dagaalameen si ay u kala dhex-galaan.
Wasiir Guuleed ayaa xusay in dowladdu qorshahaasa wado, wuxuuna yiri “Dowladda Soomaaliya waxay qorsheynaysaa inay gobollada ay dagaalladu ka socdaan ay u dirto oday-dhaqameedyo dhexdhexaadiya beelaha iyo sidoo kale ciidammo kala dhexgala beelaha”.
Wuxuu wasiirku baaq u diray beelaha dirirtu u dhexeyso, isagoo ku sheegay baaqiisa in xilligan Soomaaliya ay u tafa-xaydaray dib u dhis dalka oo dhan laga sameeyo iyo sidii looga gudbi lahaa dagaallo beeleedyadii soo taagnaa muddada dheer.
“Waxaan ugu baaqayaa beelaha dagaalamaya ee walaalaha ah inay si aan shuruud lahayn ku joojiyaan xabadda ayna qaataan go’aan ah inaan dib loo soo celin colaadihii ku saleysnaa beelaha,” ayuu yiri wasiir Guuleed.
C/kariim Xuseen Guuleed ayaa adkeeyey inaan loo dulqaadan doonin inay gobollada dalka ka dhacaan dagaal beeleedyo, shacabka Soomaaliyeed uga baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo sabab u noqon kara colaadaha keeni kara burbur iyo barakac hor leh.
Dhawaan waxaa dagaallo beeleed ka dhaceen gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose, waxaana lagu guulesytay in la joojiyo colaadihii Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, halka haatana la wado dadaal lagu qaaboojinayo colaadda Shabeellaha Hoose.
Mareeg.com