Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ku xirtay markab iyo shaqaale ajnabi ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ku xirtay markab iyo shaqaale ajnabi ah

Mareeg.com: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xirtay markab iyo shaqaale la socday oo kaalmo soo weydiistay dekedda Muqdisho kadib markii dhibaato soo wajahaday.

Markabkan oo ku soo xirtay Marsada Caalamiga ah ee dakedda magaalada Muqdisho ayaa caawimaad soo weydiistay maamulka dakadda kadib markii ay Sahaydii iyo Shidaalkii uu ka go’ay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga dowladda Federaalka Soomaalia, Axmed Maxamed Iimaan oo ka hadlay arrinta markabka ayaa sheegay in markabkan oo ay saaranyihiin 25 shaqaale uu waday 130 Tan oo Kalluun sharci darra ah.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in markabka iyo dhamaan dadkii la socday oo uu ku jiro kabtanka Markabka xabsiga loo taxaabay.

Agaasimaha ayaa intaa ku daray in markabkan uu si sharci dara ah uga kalluumeysanayay xeebaha wadanka Soomaaliya, baaritaankiisana loo xil saaray Isaga, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Hanti dhowrka.

Wuxuu agaasimuhu sheegay in maxakamad la horgeyn doono shaqaalaha markabka iyadoo kulluunka Markabkaasi saaranna lagu qiimeeyay Lacag dhan $1.7 (Hal milyan iyo Todoba boqol oo Kun dollar) ay dowladda Soomaaliyana la wareegi doonto.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!