Dowladda Soomaaliya oo markii u horeysay raashin mucaawino gaarsiisay degmada Baraawe

Read Time:50 Second

Mareeg.com- Dowladda Soomaaliya ayaa gargaarkii u horeeyay oo raashin mucaawino ah gaarsiisay degmada Baraawe, halkaasoo horaantii bishan ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo AMISOM.

Sida ay sheegayaan wararka ilaa lix gaadiid oo raashin ah ayaa shalay gaaray Baraawe, iyadoo intii gaadiidkaas la soo waday ay ammaankiisa sugayeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Qeybinta raashinka mucaawinada ayaa maanta ka bilaabatay Baraawe, waxaana Mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada arrimaha gudaha oo wax ka waday mucaawinada ay ka qeyb qaadanayaan qeybinta raashinka.

Raashinkan ayaa isugu jira Bur, bariis, saliid, waxaana horay u balan qaaday Wasaarada Arrimaha Gudaha oo sheegtay in meelaha lagala wareegay Al-Shabaab la gaarsiin doono gargaar.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Baraawe ayaa sheegay in ammaanka uu yahay mid wanaagsan, isla markaana dadka deegaanka ay si siman ugu qeybin doonaan raashinkan gargaarka ah.

Dhinaca kale Raashin mucaawino ah ayaa maanta la gaarsiiyay degmada Cadale oo ka mid aheyd deegaanadii u dambeeyay ee Al-Shabaab laga saaray, waxaana horkacayay raashinkaas Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Guudlaawe.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.