Dowladda Soomaaliya oo markale isku dayeysa soo celinta ammaanka xumaaday * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowladda Soomaaliya oo markale isku dayeysa soo celinta ammaanka xumaaday

Mareeg.com: Shir aan caadi aheyn oo ay Golaha Wasiirada Soomaaliya u socday saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, uuna shir guddoominayay Madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana uu goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa looga hadlay xaaladda amni ee dalku ku sugan yahay.

Kulankan ayaa laga soo saaray qorshe cusub oo ammaanka magaalada Muqdisho wax looga qabanayo, iyadoo Golaha Wasiirada isla garteen sida lagama maarmaanka u tahay Ammaanka Caasimadda.

Waxaa la isku raacay baahida loo qabo in hoos loo daadajiyo sugidda amniga dalka, sidii ay horeba u ahaan jirtay iyo in fursad loo siiyo Shacabka Soomaaliyeed in ay kaalin mugleh ka qaataan sugidda amniga, loona helo isla xisaabtan dhab ah.

Go’aanada ka soo baxay Golaha Wasiirada ayaa lagu adkeeyay hadalkii ka soo yeeray Taliyaha Nabadsugida Qaranka Jen. Tuur Yare ee ku aadanaa amniga Muqdisho in lagu wareejiyay Maamulka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa si rasmi ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho la hoos-keenay Taliyeyaasha Nabadsugida iyo Booliska Gobolka Banaadir oo wixii hada ka dambeeya ku shaqeyn doona awaamiirta Guddoomiyaha.

Hadaba go’aanada laga soo saaray kulankan oo ah kuwa horay dadka Soomaaliyeed  u maqli jireen ayaa sidan ahaa:

1. Waxaa dajiyey qorshe dhamaystiran oo lagu sugayo amniga iyo nabad-gelyada guud ahaan dalka, gaar ahaana magaallo madaxda dalka ee Muqdisho.

2. In Talisyada Ciidamadda Nabad gelyada ee Booliska iyo Nabad-sugidda ee heer gobol, fadhigooduna yahay Gobolka Banaadir (Muqdisho) ay si toos ah ula shaqeeyaan Maamulka Gobolka Banaadir, iyagoo ku howl galaya awaamiirta iyo tilmaamaha maamulku ku sugayo Nabad-gelyada iyo Amniga magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.

3. Si loo fuliyo qoshaha Nabadeynta iyo Xasalinta guud ahaan dalka, gaar ahaan Magaalo madaxda dalka ee Muqdisho, waxaa la mamnuucay;

• In Ciidan aan ka tirsanayn ciidanka loo qoondeeyey degmo kasta, aanay wax hub ah oo aan shaqo la og yahay ku jirin lala dhex-mari karin degmooyinka Gobolka Banaadir.

• In Ciidamadda ay wataan Wasiirada, Xildhibaanada iyo madaxda kale ee dawladda ay sitaan aqoonsi u gaar ah.

• In Ciidamadda iyo Hubka ay leeyihiin shirkadaha amniga ee gaarka loo leeyahay ay iska diiwaan geliyaan Wasaaadda Amniga Gudaha, haddii ay wax dhaq-dhaqaaqa sameynayaana ku wargeliyaan maamulka degmada ay ka baxayaan iyo degmada ay tagaaan.

• Guud ahaan dalka, waxaa reebay haysashada hub sharci darro ah oo aan ka diiwaan gashanayn Wasaaradda Amniga.

• Golaha Wasiirradu waxay isla garteen in dib-u-dejin loo sameeyo Barakacayaasha, iyadoo lala kaashanayo Hay’adaha Caalamiga ah, si ay uga qeyb qaataan horumarka iyo Nabad-gelyada dalka.

BAAQ

Waxaa loogu baaqayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, in ay taageeraan, gacanna ka geystaan qorshaha dawladdu ku sugeyso amniga iyo xasilinta dalka.

shirka wasiiradaShirka Wasiirada1

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!