Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday joojinta colaada Dhuusamareeb & Guriceel * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday joojinta colaada Dhuusamareeb & Guriceel

Mareeg.com: Siihayaha Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta ku baaqay in si sharuud la’aan ah lagu joojiyo dagaallo saaka ka dhacay degmada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Wasiir Goodax oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in uu aad uga xumaaday marka uu maqlay dagaallo xalay iyo saakay siyaabo kala duwan uga dhacay magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Sii Hayaha wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa odoyaasha dhaqanka ka codsaday inay gacan ka geystaan dajinta xiisadaha colaadeed ee ka soo cusboonaaday deegaanno ka tirsan gobolkaasi.

Ciidamo kala taageersan dowladda Soomaaliya iyo Ahlusuna ayaa shalay iyo maanta ku dagaallamay Dhuusamareeb iyo Guriceel, waxaana ciidamada dowladdu la wareegeen Dhuusamareeb, halka Ahlsuna la wateegtay Guriceel.

Mareeg Media

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.