Muqdisho, Mareeg.com: Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa diyaarad u direysa dalka Koonfruta Sudan, si halkaas looga soo qaado Soomaaali faarabadan oo maalmihii lasoo dhaafay ku jiray safaaradda Soomaaliya ee Juba, kadib dagaal labo todobaad dalkaas ka holcaya.
Wasiirka arrimaha debadda Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in diyaaradaan ay direyso maanta oo axad ah Dowladda federaalka Soomaaliya si loosoo bad-baadiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan dalka Suudaanta Koonfureed.
Diyaaradan oo ay leedahay mid ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ee Soomaalida ayaa lagu wadaa in manta ay gaarto caasimada Koonfurta Suudaan ee Jubba halkaasoo ay ku diyaarsan yihiin boqollaal ruux oo Soomaali ah.
Wararka laga helayo dalka Koonfurta Suudaan ayaa sheegaya in tirada dadka Soomaalida ee soo gaaraya magaalada Jubba ee caasimada Koonfurta Sudan ay sii kordhayaan, isla markaana hal diyaarad aysan ku filnaan doonin.
Fowsiya Yuusuf ayaa sheegtay in diyaarad ay markale laaban doonto maalinta berito ah si ay u soo qaado dadka ay soo qaadi weyso maanta.
Dhawaan ayay aheyd markii UNHCR magaalada Bor ka qaaday haween Soomaali ah, islamarkaana gaarsiisay magaalada Juba.
Mareeg.com