Dowladda Soomaaliya oo isku dayeysa xakameyneysa hubka ciidamada * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowladda Soomaaliya oo isku dayeysa xakameyneysa hubka ciidamada

Mareeg.com: Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay iney xakamaneyso hubka ay adeegsadaan ciidamadeeda, lagana hortegi doono weerarrada Alshabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhawaajiyay in dowladdiisu ay ku howlan tahay sidii ay hubka u xakameyn lahayd.

Wuxuu sheegay madaxweyne Xasan oo ka hadlayey baarlamaanka in askari kasta lagu kontorooli doono hubkii ay dowladda Soomaaliya u dhiibtay.

“Dowladdu waxay diyaar u tahay inay hubka dowladda xakameyso; iyadoo askari walba lagu koontoroolayo hubka ay dowladdu siiso si uu ugu howl-galo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan ku bixinayso sidii loo xaqiijin lahaa dhismaha ciidan qaran oo ay ku jiraan dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Sanad kasta waxaa ka goosta ciidamada dowladda Soomaaliya boqolaal askar ah, kuwaasoo intooda badan aan hubka u celin dowladda.

Ma jirto cid xaqiijin karta in hubka dowladda mararka qaar loo adeegsado weerarro iyada ka dhan ah, iyadoo askarta qaar hubkooda la galaan beelahooda ama maamullada laga dhisay gobollada ay kasoo jeedaan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!