Dowladda Soomaaliya oo dhiseysa guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka (Akhri shuruudaha)

Mareeg.com: Shir Jaraa’id oo uu Maanta Magaalada Muqdisho ku qabtay Wasiiru dowlaha wasaradda arimaha  gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamesd Xidig ayaa waxaa uu sheegay in wasaaradda arimaha gudaha ay bilowday Dhismaha gudiyada madaxa  banaan ee  doorashooyinka  qaranka iyo xaduudaha  iyo  deferalka Soomaaliya, ismarkaana la bilaabi doonto Wasaaradu Qabashada codsiyadda   xubnaha  gudiyadaasi.

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa uu meel mariyay ka hor inta uusan soo xirmin kalfadhiga Shanaad Sharciga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Qaranka labadaan Gudi ayaana ka koobnaan doona 14 Xubnood sida uu Wasiiru dowluhu maanta sheeegay.

Halkaan Hoose ka akhriso shuruudaha laga doonayo xubnaha ka mid noqonaya gudiyadaas

Gudiga Madaxa Banaanee Doorashooyinka.

  1. Da’diisu/deedukayaran 30 sano.

  2. Waa in Dhimirkiisu Dhanyahay.

  3. UU Aqoon u leeyaahay Nidaamka Doorashooyinkaama

  4. Leeyahaywaayoaragnimouguyaraan 5 Sano.

  5. Aqoon u Leeyahay ugu yaraan mid ka mida Culuunta Shareecada/Fiqiga Islamka, Xeer Dhaqamedka Soomaalida, Maamulka Dowlada, arrimaha Bulshada iyo Xiriirka Caalamiga.

  6. Waa inuu Sumcad Fiican ku leeyahay Bulshada Dhexdeeda, Waa inaysan ku socon Baaris Danbiyeed mid Dalka Gudihiisaiyo Mid caalamiya toona iyo inuusan ku xadgudbin Axdiga Xuquuqda Aadanaha ee 1949 iyo Go’aamada Golaha Amaanka iyo Qaramada Midoobay.

  7. Inuusan ka mid ahayn Baarlamaanka Federalka iyo Baarlamaanada Maamulada Xubnahaka ah Dowlada Federalka iyo Xukuumada iyo Shaqaale Dowladed ama Maamul toona.

  8. Inuusanka mid ahayn Xisbiyada Siyaasadeed kuna Biiri Karin.

    Shuuruudaha GudigaMadaxaBanaaneeXuduudaha 

  1. Dadiisu/deedukayaran 40 sano.

  1. InuuleeyahayCaafimaadwanaagsanoo u suuragalinayaGudashadaWaajibaadkiisa.

  1. Waa inuu haystaa Shahaado Jaamacadeed oo la aqoonsanyahay ama waayo aragnimo la xidhiidha Maamulka Xuduudaha Deegaanada iyo Federalka.

  1. Waa in taariikh Noleleedkiisa/keeda ay ka madhantahay Sumcad xumo wax u dhimi karta ama Suaalo ka kukeeni karta Hufnaantiisa iyo Daahfurnaantiisa.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245