Dowladda Soomaaliya oo Ciidamo horleh geysay Gobolka Gedo

Read Time:37 Second

Saaadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya ay ciidamo horeleh oo farabadan waxaa ay geysay deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee dowlad Goboleedka Jubbaland.
Ciidamadaan oo ka ambabaxay magaalada muqdisho ayaa waxa qaadey Saddex diyaaradood,kuwaas oo ka dejiyey Degmada Luuq ee Gobolkaasi Gedo.

Dadka degmada Luuq ayaa waxaa ay warbaahinta u sheegeen inay indhooda ku arkeen Ciidamadaas oo Boqolaal gaaraya,isla markaana la egeyey Xarumaha ciidamada Dowladda ee degmadaas.

Wararka ay heleyso Shabakadda mareeg,com ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamadaas loo qeybin doono degmooyinka,Baardheere, Garbahaareey iyo degmooyin kale oo ka tirsan Gobolka Gedo.

Tallaabadaan ayaa dowladda Soomaaliya waxaa la sheegay inay uga gol leedahay inay gacanta ku dhigto guud ahaan Gobolka Gedo maadaama dowladu sheegtay inaysan aqoonsaneyn Axmed Madoobe.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %