Dowladda Soomaaliya oo beenisay warar la isla dhex marayay maalmahan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowladda Soomaaliya oo beenisay warar la isla dhex marayay maalmahan

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa ka hadlay warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in madaxweyne Farmaajo ku wajahan yahay Qatar.

Wasiirka ayaa dhanka kale ka hadlay warar aad u faafay oo ku saabsan in madaxweynaha uu ka tanaasuli doono dacwadda badda ee taala maxkamadda ICJ islamarkana wadahadal lagu dhameyn doono.

Hoos ka akhriso hadalka wasiirka

Cilaaqaadka labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya oo hore u xumaaday waxa hadda laga shaqaynayaa sidii loo wanaajin lahaa, waan u mahad-celinaynaa wadamada ka shaqeeyey isu soo dhowaan tan, laakiin xilligan waxba kama jiraan wararka la faafinayo ee sheegaya in labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay hadda kulmayaan kuna kulmayaan Doha/Qatar.

Arrinka Badda Soomaaliyana wuxu ku jiraa gacanta Maxkamadda Caddaalada Adduunka ee ICJ, waxaana la wada sugayaa go’aanka Maxkamadda.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.