Dowladda Soomaaliya oo amar ku bixisay in la xiro illaa 35-Website * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowladda Soomaaliya oo amar ku bixisay in la xiro illaa 35-Website

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud Ee Soomaaliya ayaa lagu amray wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta in la xiro 35 Website oo afka Soomaaliga lagu qoro.

 

Warsaxaafadeedka oo uu ku saxiixnaa kusimaha xeer ilaaliyaha Dr Maxamuud Cabdi Xaaji Aadan ayaa si gaar ah loogu cusay shabakada Waagacusub.com iyadoo uu ku eedeeyay kusimaha xeer ilaaliyaha in uu ku kacay falal anshax xumo la xiriira oo uu kula kacay madaxda dalka iyo shaqsiyaad bulshada ku dhex leh sumcad iyo sharaf.

 

Shabakadaha la amray in la xabino ayaan ku jirin kuwa si gaar ah u taageera ururka Alshabaab ee dowlada ka soo horjeeda.

 

Lama oga sida loo xanibayo shabakadahan oo badankood xarumo ku leh dalalka dibadda.

 

Halkan ka akhriso Amarka ka soo baxay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka:-xer-2

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!