Dowladda Soomaaliya oo amar dul-dhigtay Bangiyada dalka, kadib markii... * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowladda Soomaaliya oo amar dul-dhigtay Bangiyada dalka, kadib markii…

Qoraal ka soo baxay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa amar lagu siiyey bankiyada iyo ganacsatada inay socodsiiyaan isticmaalka lacagta $-50ka ah oo maalmihii ugu dambeeyay laga diiday dalka Soomaaliya.

Toddobaadyadii ugu dambeeyay ayaa waxaa la diidayay lacagta kontonka dollar oo la sheegay in lacag been abuur ah oo kontonka dollar ay soo gashay dalka Soomaaliya.

Dad badan oo haystay lacagta kontonka dollar ayaa maalmihii u dambeeyay walaac soo foodsaaray.

Go’aanka ka soo baxay Bangiga Dhexe ayaa imanaya kadib markii Ra’iisul Wasaare Rooble uu la kulmay madaxda bangiyada dalka.

Halkan hoose ka aqriso amarka ka soo baxay Bangiga Dhexe.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.