Dowladda Soomaaliya Oo Adkeysay Qaabka Lagu Helo Baasaboorka & Kii Hore Oo La Gubay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowladda Soomaaliya Oo Adkeysay Qaabka Lagu Helo Baasaboorka & Kii Hore Oo La Gubay

Muqdisho: Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in la dkeeyey qaabka lagu helo karo baasaboorka loo yaqaano E-passaport, iyadoo sidoo kalana ku celisay inaan marna la adeegsan Karin baasaboorkii hore ee cagaarka ahaa.

Taliyaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya, Jen. C/llaahi Gaafoow Maxamuud ayaa warbaahinta u sheegay in dhawaan ay soo saari doonaan sharciyo cusub oo ay tahay inuu soo maro qofka doonaya inuu baasaboorka Soomaaliga qaato, kuwaasoo uu ku sheegay kuwo lagu xaqiijinayo in qofka doonaya in baasaboorka uu qaato uu yahay Soomaali.

“Waxaan doonaynaa inaan dhawaan soo bandhigno habab cusub oo ay tahay inuu maro qofka doonaya inuu qaato basaaboorka Soomaaliga, kuwaasoo ay ka mid yihiin inuu warqadda dhalashada kasoo qaato dowladda hoose ee degmadiisa iyo in ciidamada booliisku ka qaadaan faraha,” ayuu taliyaha jiinsiyadaha iyo socdaalka C/llaahi Gaafow Maxmud.

Jen. C/llaahi Gaafoow Maxamuuda ayaa dhanka kale sheegay in ciddii lagu helo isagoo wata baasabaoorka cagaaran ee Soomaaliga oo ah midkii hore loo aqonsan doono inuu yahay qof la shaqeeya Al-shabaab iyo kooxo kale oo argagaxiso ah.

“Dowalddu waxay ogoshahay in la isticmaalo baasaboorka cusub ee E-Passport-ka ah, ciddii aan wadan ma tegi karto meel ka mid ah caalamka. Ciddii lagu helo baasaboorkii hore waxaan u aqoonsanaynaa inuu kooxda Al-shabaab la shaqeeyo, maxkamad ayaana la tiigsan doonnaa,” ayuu yiri Jen. Gaafoow.

Boqolaal Baasaboorkii cagaarnaa ah ayaa shalay lagu gubay xarrunta waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya, taasoo u muuqatay fariin loo dirayey dadka weli doonaya iney ku socdaalaan baasaboorkii cagaarnaa.

Isticmaalka baasaboorka cagaraan ayaa waxaa weli ku adkeysanaya maamulka Somaliland oo ku dooday ineysan aqoonsaneyn E-passaport-iga Soomaaliya, balse ay aqoonsan yihiin koo hore.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

1 Comment
  1. C/qafar c/nuur says

    Runti warin fica maxayele wanabd galya den

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!