Dowladda Somalia oo 5 qodob ku wajaheysa Shabaab

Read Time:1 Minute, 4 Second

Mareeg.com: Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay iney meel mariyeen shirciga waxa loogu yeero la dagaallanaka argagixisada.

Wasiirka Amniga Qaranka, C/razaaq Cumar Maxmed ayaa golaha wasiirada soo hor dhigay Hindise Siyaasadeed lagula dagaalamayo argagaxisada, loogan hortagayo amni xumada.

Golaha Wasiirada ayaa dood dheer kadib ansixiyey Hindise Siyaasadeedka Istiraatiijiyada la dagaalanaka waxa loogu yeero Argagaxisada, oo u jeedkiisu yahay in dowaldu yeelato qorshe dhamaystiran oo lagula dagaalamayo Alshabaab, sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Haddaba dowladda ayaa sheegtay in qorshaha la dagaalanka Alshabaab uu leeyahay 5 tiir oo kala ah, waxeyna u qornaayeen sidan:-

1- Dowladda Soomaaliya, iyadoo qorshe cad ka yeelatay la dagaalanka argagixisada ayay xoojineysa xag milateri iyo xag sirdoon.

2- Dowladda Soomaaliya waxey xooga saareysaa dhamaan xasillinta dhamaan deegaanada laga saaray Alshabaab, iyadoo ahmiyad la siinayo sarreynta sharciga iyo dowlad wanaagga.

3- Dowladda Soomaaliya waxey sameysay qorshe looga soo kabanayo weerarada gurracan ee argagixisadu u geysato umadda Soomaaliyeed.

4- Dowladda Soomaaliya waxey sameysay Istiraatiijiyad ku aadan in 1 cod Shacabka Soomaaliyeed ugu gudbiso waxyaabaha ku saabsan wararka xagjiriinta Soomaaliya.

5- Dowladda Soomaaliya waxey dhaqan badelled ku sameyneysaa dhallinyarada ay marin habaabiyeen argagixisada, waa sida warka loo dhigaye. Dowladda ayaa sidoo kale, sheegeysan iney amaan siin doonto saraakiisha Alshabaab ee isu sii dhiiba, kana baxa ururkaas.

Mareeg Media 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.