Mogadishu, March 05, 2015 – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa, Alessandra Morelli oo ah Wakiilka hey’adda Qaramada Midoobey ee arrimaha Qaxootiga (UNHCR) u qaabilsan Soomaaliya, oo ay ka wada hadleen kaalinta hey’adaasi ay ka qaadato arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool wadamada Kenya, Ethiopia, Djibouti iyo Yemen.
Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa sheegay in Soomaaliya ay hiigsaneyso sidii ay u soo ceshan laheyd kaalintii ay ku laheyd gobolka bariga Afrika, si ay u noqoto dowlad nabadda iyo deganaanshaha ku caan ah, kana maran loolan dhiig ku daato iyo dagaalo sokeeye.
Alessandra Morelli ayaa dhankeeda sheegtay in kaalmooyin samafal ay gaarsiiyaan qaxootiga Soomaaliyeed, si loo yareeyo dhibaatooyinka ku heysta dalalka shisheeye.
Kulankani oo ku dhammaaday jawi isfaham leh, ayaa waxaa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah Lataliyeyaasha Xafiiska Wasiirka.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.