Dowladda Soomaaliya Iyo Maamulka Somaliland Oo Wada Hadal Uga Furmay Turkiga * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowladda Soomaaliya Iyo Maamulka Somaliland Oo Wada Hadal Uga Furmay Turkiga

Istanbul, Mareeg.com: Wada hadaladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa si rasmi ah maanta oo khamiis ah uga furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Dr. Kani Torun oo furay wada hadalada ayaa sheegay in Turkiga uu yahay keliya fududeeye oo aanay jirin wax fara gelin ah ay ku hayaan labada dhinac.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya C/kariim Xuseen Guuleed oo la hadlayay warbaahinta isagoo ku sugan magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa sheegay inay u saareen guddi labada dhinac ka kooban diyaarinta ajandayaasha ay shirkoodan uga hadlayaan.

“Innagu waxaan xoogga saarnay sidii lagu heli lahaa Soomaaliya oo mid ah, isla markaan looga wadahadli lahaa waxyaabaha la kala tabanayo. Sidoo kale walaalaha Somaliland iyagun waxay xoogga saareen sidii looga hadli lahaa waxyaabaha la kala tabanayo,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in guddi ay u saareen soo diyaarinta wixii ay kawada hadli lahaayeen, kuwaasoo uu sheegay inay siiyeen muddo dhowr saacadood ah, markaas kaddibna fadhiga lagu laaban doono.

“Waxaan qabnaa dhankeenna in khilaafyada jira ay Soomaalida xallin karo, aana kawada hadalno,” ayuu hadalkiisa ku daray, isgaoo xusay inaysan ku dhammaanayn wadahadalladu xilli kooban oo ay sii socon doonaan.

Guuleed ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in wadahadalladan ay kasoo bixi doonaan ajandayaal la isku waafaqsan yahay, isagoo ku adkeysanaya inay filayaa inay shirkan kasoo bixi karaan natiijooyin wanaagsan.

Wasiirka arrimaha dibadda maamulka Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo horkacaaya wefdiga dhinaca Somaliland ayaa shirka si gaar ah uga hadlay mowqiifkooda oo ah gooni isu taaga, wuxuuna tibaaxay in aanay dib uga laaban doonin.

‘’Waxaan aaminsanahay Somaliland iyo dadkeedu waa dad kalgacayl u haya walaalahood hase yeeshee gooni isu taagooda waa mid aaanay dib uga noqonaynin, taana waxaan ka codsanayna walaalaheen oo ay fahmaan in arrinka Somaliland goosatay dib uga noqon Karin’’, ayuu yiri wasiir Biixi.

Wasiir Biixi ayaa ku dhaliilay Dowladda Federaalka ay fulin weyday mid kamid ah qodobada heshiiskii bishii July ee sanadkii hore oo la xiriiray arrimaha Hawada taas oo ahayd in Somaliland ay maamulato hawadeeda.

Labada dhinac ayaa aad ugu kala fog qodobka ugu muhiimsan ee ay tahay in laga wada hadlo, kaasoo ah Midnimida Soomaaliya.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!