Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo raba iney furaan jidka Baledweyne iyo Buulo Barde

Mareeg.com: Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa 19-kii bishaan billaabay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay ku furayaan waddooyinka isku xira degmooyinka Beledweyne iyo Buulo Barde, halkaasoo Alshabaab ku jiraan.

Saraakiisha ciidanka ayaa xaqiijiyey in howlgalkaani yahay mid go’doonka looga qaadayo degmada Buulo Barde, halkaasoo dad badan macluul halis ugu jiraan kadib markii Alshabaab wadooyinka ka xirtay.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo AMISOM ayaa qeyb ka ah howlgallada.

Kolonyo ka tirsan ciidamada isbaheysiga ayaa la qorsheeyey iney fariisimo ka sameystaan tuulooyinka Booco iyo Halgan, halkaasi oo dagaalyahanada Al-Shabaab ay dhowr goor ku gubeen gawaari raashin u siday Buulo Barde.

Ciidamada ka dhaqaaqay Baldweyney ayaa la sheegay iney galbinayaan raashin gargaar oo maamulka gobolka Hiiraan ugu talo galay dadka ku dhaqan magaalada Buulo Barde.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245