Dowladda Soomaaliya iyo Amisom oo ka hadlay dagaal xalay ka dhacay Buulo Barde * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowladda Soomaaliya iyo Amisom oo ka hadlay dagaal xalay ka dhacay Buulo Barde

Mareeg.com: Taliska ciidanka AMISOM ee degmada Buulo- Barde ee gobolka Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal xalay Alshabaab ku qaadday degmadaas, kaasoo socday ilaa saaka waabarigii hore.

Taliyaha ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ee degmada Buulo-Barde, Ibraahim Cali Faarax ayaa sheegay in weerarkii ay xalay soo qaadeen Al-Shabaab lagu jebiyay, islamarkaana ay weerarkaasi kaga dileen 18 isugu jirta horjoogayaal iyo maleeshiyaad ay soo qaldeen.

Taliyaha ayaa xusay in sidoo kale Al-Shabaab weerarkaasi lagaga gubay gawaari, isagoo sheegay in dhanka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya uu weerarkasi kaga geeriyooday hal askari, halka mid kalena uu dhaawac fudud ka soo gaaray.

Wasiirka Warfaafinta, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Buulo Barde ay guul ka gaareen dagaal xalay Alshabaab ku qaadeen Buulo Barde.

“Al-Shabaab oo si ba’an ayaa looga guuleystey Buulo Barde, waxaana guushaas ka mid tahay guulahii isdabo jooga ahaa ee looga soo horjeeday kooxdaas. Dowladdu wey ka go’an tahay in la sii wado dagaalka nabad-diidka si dalka loo gaarsiiyo xasilin, nabad iyo barwaaqo” ayauu wasiir Dhuxulow.

Dowladdu waxey wadaa qorshihii nabadeynta, xasilinta iyo sidii dalka loogu horseedi lahaa doorashooyin xor ah sanadka 2016 si shacabku ay aayahooda uga tashadaan. Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka inay taageeraan ciidanka oo uu yiri “Waxaa waajib nagu wada ah inaan shacab iyo dowlad gacmaha isqabsanno oo aan ka wada shaqeyno nabadeynta dalka. Ciidanka geesiyaasha ahna waxey naga wada mudan yihiin inaan si joogta ah u taageerno si ay ugu sahlanaato in si dhaqso leh loo soo afjaro dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada ah.”

Alshabaab ayaa xalay dagaal saacado badan qaatay ku qaaday degmada Buulo Barde waxaana afhayeen u hadlay sheegay sheegay iney dileen 9 ka tirsan ciidamada Jabuuti iyo 4 Soomaali ah.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!