Dowladda Soomaaliya iyo Alshabaab oo isu bixiyey hal magac oo aan isku micno aheyn * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowladda Soomaaliya iyo Alshabaab oo isu bixiyey hal magac oo aan isku micno aheyn

Mareeg.com: Kadib markii 3-dii bishaan may 2015 Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya, Jen. C/raxmaan Tuuryare uu usoo jeediyey warbaahinta in Alshabaab hadda kadib loogu yeero magaca UGUS oo ah mid laga soo gaabiyey (Ururka Gumaadka Umadda Soomaaliyeed) ayaa Alshabaab qaab la yaab leh uga jawaabeen.

Alshabaab oo ka jawaabaya magacaas ay Nabadsugidda dowladda Soomaaliya u bixisay ayaa isla magacii u bixiyey dowladda Federaalka, iyagoo sheegay in magacaas laga soo gaabiyey (Ururka Gummeynta Umadda Soomaaliyeed).

Alshabaab ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeya iney dalka iyo umaddaba hoos geynayaan gumeysi ajnabi ah, waana sababta ay magacii iyaga loo bixiyey ugu soo laabeen dowladda Federaalka ah.

Dowladda Federaalka ah oo sheegta in Alshabaab xasuuqaan Shacabka Soomaaliyeed ayaa markii hore bixisay magaca UGUS.

Marka erayga UGUS ayaa dhinacba sida uu rabo u adeegsaday, waxaase adeegsiga eraygaas ka gaabsaday waarbaahinta Soomaaliyeed ee madaxa banaan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!