Dowladda Somalia: Waa wax laga xumaado in Somaliland ay aqoonsi weydiiso Dadka ka soo jeeda Koonfurta

Muqdisho (Mareeg) — Janaraal Cabdullaahi Maxamuud Gaafoow, Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadal ka soo yeeeray mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Soomaaliland kaasi oo ku aadan Dadka ka soo jeeda Gobolada Koonfurta Soomaaliya kuna nool Magaalooyinka Maamulka Soomaaliland in ay qaataan aqoonsi ay ku joogi karaan Degaanadooda.

 

Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Janaraal Cabdullaahi Maxamuud Gaafoow ayaa sheegay in Dad badan lagu dhibaateeyo Magaalooyinka Soomaaliland, isagoona xusay n Soomaalidu ay wadaagaab diin iyo dhaqan islamarkaana loo baahan yahay in meesha laga saaro kala soocida lagu hayo Dadka Soomaalaiyeed ee ku dhaqan halkaasi.

 

Dhinaca kale, isagoo sii hadlaya Janaraal Cabdullaahi Maxamuud Gaafoow ayaa waxuu ugu baaqay Maamulka Soomaaliland in aysan ka talaabsan midnimada, dhaqanka, iyo Diinta ka dhaqeynta Umadda Soomaaliyeed.

 

Hadalka Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa waxuu imaanayaa Xili Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliland Cali Waran Cadde uu ku dhawaaqay in Dadka soo jeeda Konfurta Soomaaliya eek u dhaqan magaalooyinka Maamulka Soomaaliland looga baahan yahay qaadashada aqoonsi ay ku joogaan halkaasi.