Dowladda Somalia oo Safiir cusub u magacaawday Masar, xili uu mugdi ku… * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowladda Somalia oo Safiir cusub u magacaawday Masar, xili uu mugdi ku…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Safiir cusub u magacaawday dalka Masar, kaasi oo noqonaya Safiirka dowladda u fadhin doona dalkaas, ahna Wakiilka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta.

Dowladda Masar ayaa la sheegay inay soo aqbashay Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacawday dalkaas, iyadoona dib u soo laaban doono xiriirka Soomaaliya iyo Masar oo tan iyo sanadkii la soo dhaafay mugdi ku jiray.

Ilyaas Sheekh Cumar ayaa loo magacaabay inuu nqodo Safiirka cusub ee Soomaaliya ee Masar ahna Wakiilka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta, waxaana Safiir Ilyaas uu kamid noqday  12 Safiir ee dhowaan Xukuumadda la horgeeyay balse dib loo soo celiyay.

Aqbalaada Ilyaas iyo magacaabidiisa aheyd ayaa la sheegay inay isku dhow yihiin, iyadoo la sheegayo in magacaabidiisaba ay ku xirneyd hagaajinta xiriirka labada dal, maadaama la sheego inuu xiriir dhow la leeyahay Masaarida.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More