Dowladda Somalia oo gurmad deg deg ah gaarsiiyey deegaan uu Wabiga ka fatahay

Read Time:40 Second

Wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta Muusiiboyinka Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo uu kamid yahay Xildhibaan Xasan Yare ayaa deeq Daawo ah gaarsiiyay isbitaalka Dhoobley.

Wafdiga ayaa deeqda dawada ah waxaa ay ku wareejiyeen Maamulka degmada Dhoobleey,halkaas oo Shacabka uu saamneyn ku yeeshay fatahaad uu sameeyey Wabiga Jubba.
Xubnaha wafdiga ayaa sidoo kale halkaasi waxaa ay ka sameeyeen howlo indha-ondheyn ah oo ay ugu kuurgalayeen Saameynta fatahaada ku yeeshaeen Magaalada iyo Nawaaxigeeda.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Xamza Saciid Xamza ayaa sheegay in dowladda ay si deg deg ah uga jawaabi doonto baahiyaha ka jira degmadaas.

Sidoo kale Wafdiga Wasiirka Gargaarka Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in Maalinta Berito oo Sabti ah inay gurmad gargaar ah gaarsiiyaan degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %