Dowladda Somalia oo Go’aan ka gaartay dacwadii loo heystay C/rashiid Janan

Read Time:32 Second

Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa soo xirtay gal dacwadeedkii loo heystay Wasiirkii hore ee Amniga dowlad Goboleedka Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur (C/rashiid Janan).

C/rashiid Janan ayaa loo heystay dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, kaasoo horay Xeer Ilaalinta ugu soo oogtay.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa aqbashay gal xirka uu sameeyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ee uu eedeysane ka ahaa C/rashiid Janan.

Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur (C/rashiid Janan) oo horey uga baxsaday xabsi guri uu ugu jiray dowlada ayaa dhowaan heshiis la galay DF oo muddo ay iskaga soo horjeedeen degmada Belad-xaawo, waxaana uu haatan ku sugan yahay Muqdisho.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.