Dowladda Somalia oo gacanta ku dhigtay hub iyo rasaas lasoo gelinayay… * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowladda Somalia oo gacanta ku dhigtay hub iyo rasaas lasoo gelinayay…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka hortegtay hub iyo rasaas sharci darro ah oo la doonayay in lasoo geliyo gudaha dalka Soomaaliya, kadib markii dowladda heshay xogo muhiim ah.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda xogo muhiim ah ku heshay in hay’ado ajanebi ah, waddamo shisheeye iyo dad Soomaali ah oo isbahaystay ay maalmahan isku deyeyeen in ay hub culus iyo rasaas sharci darro ah soo geliyaan dalka, iyadoo DFS aan ogolaasho laga heysan.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay leedahay nidaam adag iyo habraac sugan oo loo maro soo gelitaanka hubka illaa meesha uu ka yimaaddo illaa barta ugu dambaysa ee lagu kaydiyo. Nidaamkaas ayaana maanta u sahlay in Dowladdu ogaato isna hortaagto hubkaas sharci darrada ah ee la rabay in la soo galiyo Dalka” ayaa lagu yiri Qoraalka dowladda.

Sidoo kale dowladda ayaa tilmaamtay in qorshaha lagu doonayay in hubka lagu soo geliyo dalka uu ahaa mid lagu khalkhal gelinayo nabadda iyo xasiloonida Dalka, isla markaana tallaabadaas ay u aragto duulaan lagu soo qaaday dalka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.