Dowladda Somalia oo fasaxday Shaqaalaheeda (AKHRISO)

Read Time:47 Second

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Soomaaliya ayaa hambalyo ku aadan maalinta Shaqaale weynaha Adduunka u dirtay dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa fasaxday shaqaalaha Soomaaliyeed munaasabadda maalinta caalamiga ah ee shaqaalaha awgeed oo ku beegan maalinta barri ah.

Mudane Sadiiq Warfaa Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya oo la hadlayay Warbaahinta Dowladda ayaa shaqaalaha Soomaaliyeed u diray hambalyo iyo bogaadin,isagoo guul u rajeeyey shaqaalaha Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida ka joogaan.

“Waxaan hambalyo u dirayaa shaqaale Weynaha Soomaaliyeed hambalyo ku aadan maalinta shaqaale weynaah adduunka oo barito ku beegan,waxan leeyahay hambalyo,waxaana idin rajeynayaa guul iyo horumar,waxana idinku bogaadinaa in aad sare u qaadaan dadaalkiina dhanka shaqada,si aad horumar u gaartaan”. Ayuu yiri Wasiir Sadiiq Warfaa.

Kowda Bisha shanaad ee May ayaa dunida waxaa laga xusaa maalinta Shaqaale Weynaha caalamka,iyadoo guud ahaan caalamka uu siweyn u xuso,Soomaaliya ayaana kamid ah wadamada laga xuso maalintaasi.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.